Nin Dambi U Gaystay Xildhibaan Ilhan Cumar Oo Maxkamadda Horteeda Ka Qirtay

0
371

Nin Dambi U Gaystay Xildhibaan Ilhan Cumar Oo Maxkamadda Horteeda Ka Qirtay

David Hannon, oo 67 jir ah, taageerana u ah madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa qirtay inuu Cumar u diray email sannadkii 2019-kii isagoo ugu hanjabay inuu madaxa ka toogan doono.

Ninkan oo ka soo jeeda Florida ayaa Talaadadii maxkamada horteeda ku qirtay inuu ugu hanjabay inuu dili doono xildhibaan Ilhaan Cumar. Sida ku cad qoaal uu u diray Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa si weyn u dhaliili jirtay siyaasadaha Madaxweyne Donald Trump waxayna weerar afka ah iyo hanjabaado kala kulantay dad badan oo aan la dhacsaneyn siyaasadaheeda.

Ilhaan Cumar oo marar badan twitter-ka ay hadallo isku weydaarsadeen madaxweyne Trump ayaa waxaa naceyb badan u qaaday taageerayaasha madaxweynihii hore Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here