Madaxweyne Zelensky Oo Sheegay In Ruushku Doonayo Inuu Bur-Buriyo Seddex Magaalo

0
257

Madaxweyne Zelensky Oo Sheegay In Ruushku Doonayo Inuu Bur-Buriyo Seddex Magaalo

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul daraystay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen iska caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muhiimsanaa ee “marxaladda koowaad ee hawlgalka” ay “guud ahaan u qabsoomeen” sidaa darteedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka “xoreynta” gobolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa duulaanka ku tilmaamay mid la doonayo in ciidamada looga saaro dalka Ukrain, taasoo Ukraine iyo xulafadeeda ay ku gacan seyreen ayna ku tilmaameen weerar aan markii hore loo meel dayin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here