Madaxweyne Erdogan oo baaq hor leh u diray dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin

0
546

Madaxweyne Erdogan oo baaq hor leh u diray dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal uu Axaddii la yeeshay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ugu baaqay xabbad joojin iyo in gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaatoobay duullaankii Ruushka ee Ukraine.

“Erdogan waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay xabbad-joojinta u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine, hirgelinta nabadda iyo hagaajinta xaaladaha bini’aadantinimo ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu taageero nooc kasta ah oo ku saabsan geeddi-socodka.”

Qoraalka ayaa intaa ku daray in Putin iyo Erdogan ay ku heshiiyeen in wareegga xiga ee wada-hadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine lagu qabto Istanbul.

bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here