Atooraha Will Smith Oo Masraxa Ku Dharbaaxay Majaajiliiste Chris Rock

0
603

Atooraha Will Smith Oo Masraxa Ku Dharbaaxay Majaajiliiste Chris Rock

Atooraha caanka ah ee aflaamta Hollywood-ka ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay majaajiliiste Chris Rock xilli ay socotay xafladda abaarmarinada aflaamta ee Oscars.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii majaajiliistaha uu hadal maad ah ka sheegay xaaska atooraha Jada Pinkett Smith.

Majaajiliistaha oo ahaa daadihiyaha xafladda ayaa ku kaftamay madaxa xiiran ee xaaska Will Smith, isaga oo balse si duurxul ah u sheegay arrintaasi, wuxuuna afka ku dhuftay filimka G.I Jane 2 oo ah filim ay ku jirto atariisho madax xiiran.

Will Smith ayaa markii uu fadhigiisa kusoo laabtay yiri “Afkaaga ustagga ah ka leexi xaaskayga”.Iyada oo Chris Rock uu ku jawaabay “Kani waa habeenkii ugu weynaa ee taariikhda aflaamta”.

Markii ay waxaasi dhacayeen, ayaa kaamarada lagu qabtay Jade oo la arkayay iyada oo indhaha kala rogeysay layaab awgiis.

Pinkett Smith ayaa marar badan si shaac ah uga hadashay xaaladeeda caafimaad ee loo yaqaano ocapecia, kaas oo qofka timaha ka buubiya.

Heesaaga lagu magacaabo Sean “Diddy” Combs oo mar dambe qabsaday makarafoonka masraxa ayaa sheegay in Will iyo Rock ay arrimooda si gaar ah u xalisan doonaan markale.

Dhacdadan waxbo kama aysan badelin habsami u socodkii xafladda, iyada oo Chris Rock uu sii watay hawshii daadihinta munaasabadda abaalmarinada aflaamta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here