Soomaali Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Dalka Canada Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya.

0
551

Soomaali Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Dalka Canada Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya.

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa ka walaacsan dhallinyaro dhawaan lagu weeraray magaaladaasi, kuwaas oo mid kamid ah uu dhintay, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay weerarkan, balse laamaha amniga waxey sheegeen in wali ay baaritaan wadaan si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi (Cirro) oo kamid ah hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee Edmonton ayaa sheegay in dhalinayrada dilka iyo dhaawaca loo geystay ay kala yihiin 5 qof Soomaali ah iyo mid u dhashay waddanka Koonfurta Suudaan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada Booliska Magaalada Edmonton ee dalka Canada ay qabteen Gaari looga shakisan yahay inay leeyihiin dasdkii weerarka geystay, balse weli baris ay ku socoto, isaga oo muujiyay walaac la xiriira dhibaatada lagu haayo Soomaalida.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Edmonton ee dalka Canada ku batay weerarka lagu haayo Soomaalida, waxaana la sheegay in dilalka ay ka dambeeyaan qaar kamid ah Soomaalida iyo kooxo Burcad ah oo u dhashay waddankaasi Canada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here