Booliiska Mareykanka oo ku raad-jooga Nin 5 ruux ku toogtay New York & Washington oo aan la garan!

0
313

Booliiska Mareykanka oo ku raad-jooga Nin 5 ruux ku toogtay New York & Washington oo aan la garan!

Booliiska Mareykanka ayaa ku raad-jooga Nin hubeysan oo jirkiisa qariyay kaddib markii uu dhowr jeer toogtay Dad rayid ah gaar ahaan kuwa Darbi-jiifka loo yaqaan, ninkaan waxaa soo qabtay kaamirooyinka waddooyinka ku xiran.

9 cisho gudahood ayuu toogtay dhowr ruux, Saraakiil katirsan Booliiska Mareykanka ayaa sheegay in dadka intooda badan uu qofkaan dilayay xiliyada ay hurdaan balse aan la ogeyn sababta ka dambeysa ama ku dhalisay ficilkaan.

Labada Duq Magaalo ee New York & Washington ayaa ka shiray sidii loosoo qaban lahaa Ninkaan oo macluumaadkiisa lagu wareejiyay Hay’adaha ammaanka ee waaxda dabagalka dambiyada Mareykanka u qaabilsan.

3dii iyo 8dii Maarso 2022 ayuu qofkaan geystay dil ka geystay Waddada Soho ee Xaafadda Manhattan balse wuu baxsaday kahor inta aysan goobtu tagin Ciidamada Booliiska oo qaaday Meydadka dadka uu dilay.

“Qofka la weeraray oo ay rasaas uga dhacday gacanta ayaa soo kacay, waxa uu ku qayliyay Maxaad sameyneysaa” ayuu yiri ku xigeenka Taliyaha Booliiska Magaalada New York Hank Suttner oo Warbaahinta la hadlay.

“Hadda waxaa Baxsad ah oo laga yaabo in uu dad kale nafta dhaafiyo gacan-ku dhiiglaha caadeystay in uu dilo Dadka hurda, waa in aan wadajir gacan adag ugu qabanaa kahortagga weerarada ceynkaan oo kale ah” sidaasi waxaa lagu yiri Bayaan wadajir ah oo ay soosaareen labada Duq Magaalo ee New York & Washington.

Sida qorshuhu yahay, Booliiska Washington iyo New York ayaa qaban-doonna qof weliba uu jir ama muuqaal ekaada Gacan ku dhiiglaha Baxsadka ah ee dahaaray (Daboolay) dhammaan jirkiisa si aan loo garan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here