Gaadiidleyda Muqdisho oo cabasho ka muujiyay Sare u kaca ku yimid Qiimaha Shidaalka.

0
2416

Gaadiidleyda Muqdisho oo cabasho ka muujiyay Sare u kaca ku yimid Qiimaha Shidaalka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa laga dareemaya sare u kac ku yimid qiimaha Shidaalka oo ka mid ah nolol maalmeedka bulshada, kaas oo qeyb weyn ka qaata isusocodka dadka.

Wadayaasha gaadiidka nuucyadiisa kala duwan ayaa aad uga cabanaya sare u kac ku yimid qiimaha Shidaalka, ayaga oo sheegay in ay ka cabsi qabaan in ay iska dhigaan Gawaarida ay ku shaqeystaan oo isugu jira kuwa dad weynaha ay raacaan iyo kuwa Taxi ahaanta loo raaco.

Qiimaha shidaalka ayaa la kala siisan jiray Muqdisho inta uusan bilaaban dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine kaas oo loo aaneenayo in uu kaalin ku leeyahay sare u kaca shidaalka, ka hor dagaalka shidaalka halkii liiter waxaa la iibin jiray inta u dhaxeysa $0.70 illaa $0.85 bale hadda waxa uu gaaray meeshii ugu sarreysay oo ah $1.10. sida ay Mustaqbal u sheegtay Foosio Xasan Xaashi oo ka mid ganacsatada ku dhaqan Muqdisho ee iibisa Shidaalka.

Cabdikariin Cusmaan Maxamuud oo ka mid ah wadayaasha Taxi-yada Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa uga warbixiyay sare u kaca ku yimid qiimaha Shidaalka “haddii aan nahnay wadayashaa Gawaarida Taxi-ga, sare u kaca shidaalka saameyn weyn ayuu nagu yeeshay, sababtoo ah waxa aan isticmaalnaa adeega Rikaab (Rikaab: waa shirkad u dhaxeysa wadayaasha Taxi-yada iyo dadka) maxaa yeelay dadka waxa aan ku qaadnaa qiimo go’an, haddii uu shidaalka qaaliyooba qiimaha wax kuma dari karno, 1-km waxa aan ku qaadnaa macaamiisheena $0.5 haddii aan halkii liter aan ka bixino $1.10, shirkadda $10 waxa ay ku leedahay $1. Maxaynu ka faa’iideynaa, Saameyntaas ayuu nagu reebay”.

Cabdikariin ayaa codsi u diray shirkaddooda in ay ka joojiso qidmada adeega ay ka qaaddo, maadaam uu shidalka saro u kac ku yimid dadka aan lagu qaaliyeen Karin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Bashiir Maxamed Maxamuud oo ka mid ah wadayaasha Moota Bajaajka oo Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah wadayaasha Moota Bajaajka ay iska dhigeyn, asiga oo u sababeeyay sare u kaca shidaalka.

Bashiir ayaa yiri “”inta uu shidaalka qaaliyoobin waxa aan maalintii soo heli jiray inta u dhaxeysa $25 illaa $30 balse hadda uu shidaalka qaaliyoobay waxa aan soo helaa $10 illaa $15” asiga oo sii hadlaya waxa uu yiri “waxa jira kuwa ku wada Mootada ijaar oo laga qaado maalintii $7, kuwaas wey iska dhigeyn oo annagii iskalahaa Mootada ayaan wax ka keeni weynay ee intee joogaan ayaga”.

Sare u kaca Shidaalka ayaa saameyn ku reebay Ardeyda dhigata qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Muqdisho, Ardeyda oo la hadashay Mustaqbal ayaa sheegay in meeshii ay ku raaci jireyn $1 laga qaado $2 ama ka badan.

Xeeldheere dhanka dhaqaalaha oo Mustaqbal la hadashay ayaa ku sababeeyay sare u kac shidaalka Dagaalka u dhaxeeya Ruushka & Ukraine kuwaas oo ka mid ah soo saarayaasha Shidaalka, asiga oo sheegay marka uu bilowday dagaalka in uu hoos u dhac ku yimid dhoofinta badeecadaha, sababna uga dhigay “in keydka shidaalka uu dhammaaday, shidaalna aan la soo saarin taas oo isku soo beegmay dagaalka labada dal iyo dhammaadka keydka Shidaalka”.

Dagaalka u dhaxeeya Ruushka & Ukraine ayaa saameyn dhaqaale dunida ku reebay, ayada oo qaaliyoobeyn dhammaan maciishadaha kala duwan ee laga kala isticmaalo dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here