Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Muqdisho Lagula Beegsaday Afhayeenka Xukuumadda

0
379

Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Muqdisho Lagula Beegsaday Afhayeenka Xukuumadda

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolkaan Banaadir, kaasi oo ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lala beegsaday oo la isku qarxiyey gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo marayey Isgoyska Dabka.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro oo soo gaaray Afhayeen Macalimuu, waxaana durbadii loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga oo dhan, waxaana socda gurmad loo sameynayo dadkii kasoo gaartay qaraxaas dhacay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here