Dowladda Japan oo heegan gelisay Ciidamadeeda Iyo Sababta Heeganka Loo Galiyay Ciidanka

0
380

Dowladda Japan oo heegan gelisay Ciidamadeeda Iyo Sababta Heeganka Loo Galiyay Ciidanka

Ra’iisul wasaaraha Japan, Fumio Kishida, ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono militariga si uu ula tacaalo xaaladda kacsan ee gobolka ka soo korodhay oo ay ka mid yihiin hanjabaadaha dalkiisa uga imanaya Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Fumio wuxuu sheegay inuu tixgelin doono dhammaan fursadaha jira, oo ay ku jirto sare u qaadida awoodda lagu weeraro saldhigyada cadowga ay leeyihiin.

Sharciga dagallada ee Japan u yaalla ayaa xaddidaya Tokyo iney xoog isticmaashi iyo iyo inay weerarro qaaddo.

khudbad Ra’isal wasaare Fumio Kushida uu u jeediyay milateriga, ayuu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay ammaanka qaranka, maadaamaa ay Beijing iyo Pyongyang ay ku dhaqaaqeen xoojinta iyo ballaarinta awoodda milateri ee ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here