Xamaas Oo Laga Mamnuucay UK Iyo Digniin Adag Oo Loo Diray Taageereyaashooda

0
602

Xamaas Oo Laga Mamnuucay UK Iyo Digniin Adag Oo Loo Diray Taageereyaashooda

Xoghayaha arrimaha gudaha Britain, Priti Patel, ayaa Jimcihii sheegtay inay mamnuucday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, tallaabadaas oo ka dhigtay mawqifka UK ee ku aadaan maamulayaasha Marinka Gaza inay la jaanqaadeyso go’aankii Maraykanka iyo Midowga Yurub.

“Xamas waxay leedahay awood weyn oo argagixisanimo, oo ay ku jiraan inay helaan hub aad u ballaaran oo casri ah, iyo sidoo kale xarumo lagu tababaro argagixisada,” ayay Patel ku tiri hadal ay soo saartay. “Taasi waa sababta aan maanta go’aankan u qaatay si aan Xamaas u mamnuuco gebi ahaanba.” ayay sii raacisay.

Ururkan Xamaas ayaa mamnuucistiisa loo cuskaday sharciga Argagaxisada ee Uk, waxaana qof kasta oo taageero u muujiya, calankiisa qaata ama u qabanqaabiya shirar uu noqonayo mid jabinaya sharcigaas, sida ay xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Patel ayaa la filayaa inay Baarlamaanka horgeyso isbeddelkan toddobaadka soo socda.

Ergada Falastiin ee UK, oo wakiil ka ah maamulka Falastiin ee Madaxweyne Maxamuud Cabaas ee ay reer galbeedku taageeraan, ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here