Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faahifaahino Ka Soo Baxaya Dalka Nabadoonka

0
265

Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faahifaahino Ka Soo Baxaya Dalka Nabadoonka

Dabley hubeysan ayaa xalay waxaa ay dil ka gaysteen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxaana kasoo baxaya faaah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilka .

Dilka oo ka dhacay Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa loo gaystay nabadoon Maxamed Xassan Nuur Muuse oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka Muqdisho.

Nabadoonka ayaa la sheegay in uu gurigiisa ku sugnaa Xiliga dilku dhacay, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen in marxuumka ay toogteen dabley hubaysan oo goobta isaga baxay dilka kadib.

Ciidamada ammaanka ayaa garay goobta uu dilku ka dhacay, waxaana meydka Nabaddoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilalka qorsheysan ee loo gaysto nabaddoonada iyo Odayaasha dhaqanka, iyadoo  degmooyinka iyo xaafadaha magaalada dilal kala duwan loogu gaystay nabaddoonno

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here