Nin Mindi Ku Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Boolis Faransiis Ah

0
279

Nin Mindi Ku Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Boolis Faransiis Ah

Nin mindi ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Cannes ee koonfurta dalka Faransiiska.

Mid ka mid ah booliska ayaa toogtay ninka weerarka geystay, kaasoo xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato, isla-markaana uu haatan ku jiro Isbitaalka.

Saddexda askari ee booliska ah ayaan waxba soo gaarin.

Booliska Faransiiska ayaa baaraya in ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu u dhashay Algeria uu weerarkiisa la xiriiro arrimo diimeed iyo in kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Gerald Darmanin oo la hadlayay warfidiyeenka, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay aysan ka warqabin mas’uuliyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here