Meydad Tiro badan oo laga helay Hotel ku yaalla Galbeedka Albania

0
290

Meydad Tiro badan oo laga helay Hotel ku yaalla Galbeedka Albania

Afar Muwaadin oo Raashiyaan ahaa ayaa Meydadkooda laga helay Hotel ku yaalla Galbeedka dalka Albania.

Wargeyska The Albanian Daily News ayaa qoray in maydadka 2 Nin iyo 2 Haween oo u dhashay Raashiya xalay laga helay qolka Diirimaadka ee Xilliga qaboobaha la isku kululeeyo ee Hotel ku yaalla Tuullada Qerret ee Galbeedka dalkaasi.

Ciidamada Booliska Albania ayaa waxaa ay sheegeen inay dadkaasi oo Dalxiisayaal ah ay ku caburmeen qolka Diirimaadka.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in dadkaasi da’dooda u kala ahayd 31 jir, 37 jir, 40-jir iyo 58 jir.

Dhinaca kale, Safaaradda Raashiya ku leedahay Caasimada dalka Albania ee Tirana waxaa lagu wargeliyey Dhacdadaasi, waxayna qeyb ka yihiin Baaritaanka ay Boliska ku hayaan Ogaanshaha waxa sababay geerida Dalxiisayaashaasi, oo iyaga Socdaal Tamashlayn ah ku joogay dalkaasi.

 

@Nuradiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here