Ciidamada Tigray oo walaac ka muujiyay weeraro kaga imaanaya Dowladda dhexe

0
217

Ciidamada Tigray oo walaac ka muujiyay weeraro kaga imaanaya Dowladda dhexe

Ciidamada Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay bilaabeen weerarro abaabulan. Waxay shegeeen in madaafiic xooggan, taangiyo iyo diyaaradaha dagaalka loo adeegsaday ciidamadooda.

Xubin sare oo ka tirsan kooxda TPLF ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay ku sugan yihiin deegannadooda.

Getachew Reda ayaa sheegay in weerarrada dowladda ee bilowday toddobaakdii la soo dhaafay ay haatan xoogeysteen. Ilaa haatan weli wax war ah kama soo bixin xukuumadda Addis Ababa.

Isgaarsiinta oo go’an ayaa ka dhigan inaysan suurto gal ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo wararka gobolka. Ku dhowaad labo milyan oo qof ayaa ka barakacay gobolka Tigray muddada 11-ka bilood ee uu dagaalku socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here