Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo Weerar ku dhaawacmay

0
267

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo Weerar ku dhaawacmay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro oo habeenkii xalay aheyd ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Weerarkaas oo dhacay sadqii dhexe ee xalay ayaa waxaa lagu qaaday Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo la tilmaamay inay lug ku marayeen meel ku dhow Warshada Farjano ee Magaalada Jowhar, iyadoona intaas kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo.

Laba kamid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidow iyo xildhibaan Maxamed Dheere, isla markaana waxaa dhaawacyadooda la geeyay Xarun Caafimaad.

Xildhibaanada ayaa waxaa la sheegay in xiligii lagu weeraray Bambada ay kasoo baxeen Munaasabad loogu dabaal-degayay sanadguurada 5-aad ee Aas-aaska Maamulka Hirshabeelle oo xalay lagu qabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka oo ay uga hadlayaan weerarka lagu dhaawacay Cabdiraxmaan Iidow iyo Maxamed Dheere, waxaana horey Magaaladaas uga dhacay weeraro lagu dhaawacay saddex Xildhibaan oo ku sugnaa hoy ay degan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here