Puntland Oo Kala Qaaday Maleeshiyo Beeleed Uu Dhexmaray Dagaal

0
263

Puntland Oo Kala Qaaday Maleeshiyo Beeleed Uu Dhexmaray Dagaal

Maamulka Puntland ayaa kala qaaday laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay deegaanka Saax-maygaag ee Gobolka Sool, kuwaasi oo uu dhexmaray dagaal geystay khasaaro.

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa tegay Saax-maygaag, isla markaana ku guuleystay kala qaadista maleeshiyaadka hubeysan, iyagoona la wareegay amniga, si ay u sugaan.

Sidoo kale deegaanka waxaa booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka labada dhinac, waxaana ay ka wada hadleen fulinta amarkii ka soo baxay Maamulka oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay.

Maamulka ayaa mamnuucday in wax degaamayn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka Saax-Maygaag iyo Sango Jebiye ee Gobolka Sool, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac.

Si kastaba dagaalo u dhexeeyay laba maleeshiyaad oo hubeysan ayaa waxaa maalmo kahor uu ka dhacay deegaanada Saax-Maygaag iyo Sango Jebiye, kuwaasi oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana dagaalka uu salka ku haayay muran la xiriira dhul-daaqsimeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here