Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Ka Dhacday Baydhabo

0
257

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Ka Dhacday Baydhabo

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa soo dhoweyay natiijada doorashadii Aqalka Sare ee shalay oo Isniin ahayd , 2-da Agoosto,2021 ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacyada Xildhibaannada la doortay shalay ayaa waxay kala yihiin:

Zamzam Ibraahim Cali

Ayaan Aadan Cabdulahi

Aadan Cabdinasir Maxamed

Maxamuud Maxamed Cabdinuur

Dr Xuseen Maxamed Daahir

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Guddiga oo gudanaya waajibaadka kaga aaddan doorashadan wuxuu ku ammaanayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro, wuxuu ku ammaanay Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hormuud ka noqotay bilaabidda doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen dowlad-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah, kuwaas oo qeyb ka noqonaya Aqalka Sare, taas oo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% Senatorrada la doortay.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada Aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here