Agaasimihii Guud Ee Telefishinka Qaranka Tunisia Oo Xilkii Laga Qaaday

0
266

Agaasimihii Guud Ee Telefishinka Qaranka Tunisia Oo Xilkii Laga Qaaday

Madaxtooyada dalkaasi waxay ku dhawaaqday in Xilkii laga qaaday Madixii Telefishinka dalkasi, Maxamed Lasacad Al-Daahish.

Xil-ka-qaadista ayaa timid, kadib, markii 2 qof oo Marti u ahaaa Telefishinkaasi shalay loo diiday inay gudaha u galaan Istuudiyayasha si ay qeyb uga qaataan Barnaamij lagu marti-qaaday.

Labada qof ee loo diiday inay galaan Xarunta TV-ga ayaa kala ahaa Amiira Maxamed oo ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee dalkaasi ee SNJT iyo Basaam Tirifi oo ah U-ololeeye dhanka Xuquuqda Aadanaha.

Amarka dadkaasi looga xayiray inay galaan Xarunta Telefishinka Qaranka Tunisia ayaa la sheegay inuu bixiyey Sarkaal ka tirsan Milliteriga ilaalada ka haya Xaruntaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here