Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciidankiisa Kala Baxayo Iraq

0
257

Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciidankiisa Kala Baxayo Iraq

In ka badan 18 sano kadib, Madaxweyne Joe Bifden ayaa ku dhawaaqay inCiiddanka Maraykanka soo gebagebeyn doonaan Hawlgalladda Dagaal ee ay ka wadeen dalka Iraq.

Madaxweyne Biden waxa uu hadalkaasi kaga dhawaaqay Kulan uu RW Iraq, Mustafa Al-Kadhimi xalay kula yeeshay Aqalka Cad ee Washington waxay ku heshiiyeen in Hawlgalkaasi la soo af-jro dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Madaxweyne Biden waxa uu tilmaamay in doorkooda Iraq uu noqon doono inay sii wadaan Tababarka, Taageeradda iyo inay ka caawiyaan haddii uu Dagaalka Kooxda Dacish dib u curto.

2,500 askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan gudaha Iraq, kuwaasi oo diirada saarayo Dagaalka Kooxda Daacish iyo Tababarka iyo La-talinta Ciiddanka Iraq si ay isaga difaacaan Kooxda Daacish.

Isbahaysiga Maraykanka waxay dalka Iraq ku qabsadeen Duullaan bishii Maarso ee sanadkii 2003-dii, iyagoo xilligaasi ku andacoonayey inuu Hogagamiyihii dalkaasi, Saddaam Xuseen uu haysto Hubka si daran wax u gumaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here