Safaarada Maraykanka Ee Dalka Ciraaq Oo La Duqeeyay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

0
284

Safaarada Maraykanka Ee Dalka Ciraaq Oo La Duqeeyay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Ugu yaraan 14 Gantaal ayaa lagu duqeeyey Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Cayn Al-Asad oo ku yaalla Galbeedka dalka Iraq.

Afhayeenka Ciiddanka Isbahaysiga Marykanka, Kolonel Wayne Marotto ayaa sheegay inay 2 Askari ku dhaawacmeen Duqeyntaasi, mana uusn bixinin faahfaahino kale.

Koox isku magacowday Guutada Aargoosiga ee Al-Muhandas ayaa sheegtay inay 30 Gantaal ku weerareen Saldhig ay Milliteriga Maraykanka ku sugnaayeen.

Farriin ay Kooxda soo saartay ayey ku sheegeen inay sii wadi doonaan Hawlgalladooda, si ay Ciiddanka Maraykanka isaga baxaan gudaha dalka Iraq.

Dhinaca kale, dhismaha Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Baqdaad ayaa xalay la duqeeyey, sida ay sheegeen Ilo dhanka Amniga.

Saddex Gantaal ayaa ku habsaday gudaha Dhismaha Safaaradda oo ku taalla Deegaanka Cagaaran ee magaalladda Baqdaad, lamana sheegin khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here