Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Mid Ka Mida Dekedaha Waawayn Ee Dalka Imaaraadka Carabta

0
282

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Mid Ka Mida Dekedaha Waawayn Ee Dalka Imaaraadka Carabta

Saacadihii hore ee saakayto oo Khamiis ah ayaa waxa uu dab iyo qarax ka kacay Markab xamuul oo ku sugnaa Dekedda Jebel Cali oo ku taalla Koonfurta magaalladda Dubai.

Xafiiska Warbaahinta ee Dowlad-gobaleedka Dubai ayaa sheegay inay Kooxaha Dab-damiska ku guuleysteen daminta dabka ka kacay Markab nooca Kontaynarada xambaara, mana kala cadda waxa sababay qaraxaasi.

Dekedda Jebel Ali Port waa Dekedda ugu mashquulka badan Dekedaha ku yaalla Bariga Dhexe, waxayna xarun u tahay 8,000 oo Shirkado Ganacsi.

Dadka Deegaanka waxay maqleen Qarax weyn, kaasi oo ruxay dhismayaal dhowr Kiilomitir ka fog Dekedda Jebel Cali.

Muuqaalo la soo bandhigay Baraha Bulshadda ayaa muujinaya Dab ka kacay Markab taagnaa Dekedda, iyadoo qaraxaasi uu ruxay Dhismooyin ku yaalla meel 25 Kiilomitir u jirta Dekedda Jebel Cali.

Maamulka Dekedda DP World ee gacanta ku haya Dekedda Jebel Ali weli qoraal rasmi ah kama soo saarin Qaraxaasi.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA :

https://www.youtube.com/watch?v=g7w4RKzqpAg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here