Fanaan Sharma Boy Oo Maanta Loo Dhaadhiciyey Xabsiga Weyn

0
573

Fanaan Sharma Boy Oo Maanta Loo Dhaadhiciyey Xabsiga Weyn

Fannaanka Sharmaake Cabdinaasir Maxamed oo loo yaqaano Sharma Boy oo shalay lagu xiray Saldhig ku yaalla Maagaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Garoowe.

Waaxda dembi baarista CID-da ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa fanaanka Sharma Boy Su’aalo kala duwan ka weydiisay Shilkii gaari ee shalay ka dhacay deegaanka Buura-wadal ee Gobolka Sool, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Sharmaake Cabdinaasir ayaa loo heystaa shilkaas dhacay oo ay ku geeriyootay Gabar saarneyd gaariga shilka galay oo uu waday Sharma Boy, waxaana shilku dhacay xili ay socdaal ku marayeen deegaanka Buura-wadal.

Sidoo kale Shilka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof kale oo gaariga saarnaa, kuwaasi oo la sheegay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo fudud, waxaana Maanta fanaanka loo dhaadhiciyey xabsiga weyn ee Garoowe.

Sharmaake Cabdinaasir Maxamed ayaa maalmo kahor gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, isagoo shalay galay shil gaari oo khasaaro geystay, iyadoona Booliska Maamulka ay sheegeen inuu socdo baaritaano ku aadan shilkaas dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here