“Waxaan Rajeeynayaa In Uu Guul Noogu Dhamaado Shirku” Raysal Wasaare Rooble

0
397

“Waxaan Rajeeynayaa In Uu Guul Noogu Dhamaado Shirku” Raysal Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Maanta ka furmay teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirka oo Maalintii koobaad la soo geba-gabeeyay ayaa markii uu kulanku soo dhamaaday Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay ayaa waxa wuu yiri:-

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Maalinta Berito ah ayaa waxaa la filayaa in Madaxda Shirka ay markale isku soo laabtaan, isla markaana ay sii amba qaadaan Shirka si heshiis looga gaaro Arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here