Ciidamo Itoobiyaan Oo Isku Urursanaya Gudaha Xuduudka Suudan

0
329

Ciidamo Itoobiyaan Oo Isku Urursanaya Gudaha Xuduudka Suudan

Ilo Milliteri ayaa waxaa ay Jimcihii shalay sheegeen inay Ethiopia ciiddamo u daabushay deegaanka Qatarand ee gudaha Xuduudka Al-Fashaqa ee Gobalka Gedaref ee Bariga dalka Suudan.

Wargeyska The Sudan Tribune ayaa ka soo xigtay Ilo-wareed ka tirsan Milliteriga Sudan inay Ciidadmo Ethiopian iyo Maleeshiyo tiro badan ay soo buux dhaafiyeen Deegaanka Al-Fashaqa,kuwasi oo laga soo daabulayo Caasimadda Gobalka Amxaarada ee Baxr Daar iyo magaalladda Gonder.

Ilo Milliteri oo aan loo oggolayn inay Saxaafadda la hadlaan ayaa sheegay in Ciidadmadda Ethiopia oo ay Maleeshiyada Amxaaradda ay taageerayaan in la soo dhoobo Deegaanka Qatrand, iyagoo ku hubeysan Madaafiic iyo Tangiyo.

Dowladda Ethiopia ayaa waxaa ay beenisay inay Ciiddankooda Qaran u daabushay Deegaanka Xuduudka Sudan, waxayna ku eedeydsay Ciiddanka Sudan inay ugaarsanayaaan Beeralayda Ethiopianka.

Dowladda Ethiopia ayaa waxaa ay kaloo sheegtay inay doonayaan in Wada-xaajood lagu xaliyo Muranka Xuduudka labada dal iyo inaysan doonaynin dagaal ay la galaan Ciiddanka Sudan.

Dhinaca kale, Milliteriga Dowladda Suudan ayaa waxaa ay labo isbuuc ka hor dib u qabsadeen Kontoroolka Deegaanka Shai Bayt ee Al-Fashaqa, kadib, markii ay Maleeshiyadda Amxaarada ka masaafuriyeen Deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here