Shirka Madaxda Dowladda Iyo M/Goboleedyada Oo Maalintii 2-Aad Galay

0
283

Shirka Madaxda Dowladda Iyo M/Goboleedyada Oo Maalintii 2-Aad Galay

Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka oo shalay ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Axad ah maalintii labaad galay.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa dhameystirka heshiiskii 17-kii Septerber iyo xalinta khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo Madaxda aysan weli heshiis rasmi ah ka gaarin.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa shalay lagu gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominaya Shirka oo maalintii labaad galay, waxaana Madaxda ay sii amba qaadi doonaan doodaha ku aadan qodobada uu ka taagan yahay khilaafka doorashada.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa shalay shaaciyay in wax heshiis ah Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada aysan ku gaarin Shirkii u furmay, isagoona beeniyay heshiiska la sheegay inay gaareen Madaxda.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here