Shirka Madaxda Ee Afisyooni Oo Maalintii Koowaad La Soo Gaba-Gabeeyay

0
350

Shirka Madaxda Ee Afisyooni Oo Maalintii Koowaad La Soo Gaba-Gabeeyay

Shirkii Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalintii koowaad soo gaba-gaboobay.

Shirka Wadatashiga furmay ayaa waxaa looga hadlay sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka September iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo heshiis aan laga gaarin.

Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shirka maalintiisii koowaad kusoo gaba-gaboobay Jawi is-faham ah, isla markaana Madaxda si wanaagsan u doodeen.

Waxaa uu sheegay in inta uu socday Shirka lagu gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Sidoo kale Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa tilmaamay in Madaxda ay dib isugu soo laaban doonaan maalinta berri oo la sii amba qaadi doono qodobada u baahan in xal laga gaaro, si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ayaa ka duwanaa shirarkii hore ee looga hadlaayay doorashooyinka dalka ka dhacaya, waxaana Shirka furitaankiisa ka maqnaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamulka Doorashada wareejiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here