Taliye Iyo Ciidamo La Socday Kuna Sii Jeeday Aroos Oo Shil Ku Geeriyooday

0
283

Taliye Iyo Ciidamo La Socday Kuna Sii Jeeday Aroos Oo Shil Ku Geeriyooday

Taliyihii Ciiddanka Cirka Nigeria Jeneral Maxamed Attahiru iyo 10 Sarkaal ayaa ku geeriyootay Shil Diyaaradeed oo Fiidnimadii xalay ka dhacay Waqooyiga dalkaasi.

Taliyaha iyo xubnaha kale waxay la socdeen Diyaarad nooceedu ahaa Beachcraft 350, sumadeeduna ahayd 5N-R203, taasi oo qorshuhu ahaa inay ku degto Saldhiga Ciiddanka Cirka Sudan ee Mando, balse waxaa loo weeciyey inay ku degto Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Kaduna International Airport.

Diyaaradda ayaa waxay burburtay ka hor inaysan ku degin Garoonkaasi, sida uu shaaciyey Agaasimaha Xiriirka Dadweynaha ee Milliteriga Nigeria, Jeneral Maxamed Yerima.

Dhinaca kale, Taliyihii Ciiddanka Cirka ee Nigeria, Jeneral Maxamed Attahiru ee ku geeriyooday shilkaasi ayaa waxaa uu ku sii jeeday Munaasabadda Arooska Curudkiisa Labaad oo lagu magacaabo Abdirahman oo la qaban lahaa Maanta oo Sabti ah.

Allaha u Naxariisto Jeneral Maxamed Attahiru waxa uu xilka Taliyaha Ciiddanka Cirka Nigeria hayey tan iyo bishii Janaayo 16-dii ee sanadkan 2021-ka.

Shilalka Diyaaradaha Ciiddanka Cirka Nigeria ayaa waxaa saddexdii bilood ee ugu dambaysay ku dhintay ugu yaraan 26 Saraakiil Milliteri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here