Komishanka Doorashooyinka Somalıland Oo soo Saaray Jadwalka Ololaha Doorashooyinka Wakıılada Iyo Deegaanka

0
348

Komishanka Doorashooyinka Somalıland Oo soo Saaray Jadwalka Ololaha Doorashooyinka Wakıılada Iyo Deegaanka

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Ayaa soo Saaray Jadwalka Ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Dalka
Ololahan oo lagu soo koobay 6 Cisho Halka uu hore u ahaan jiray 21 cisho Ayaa Xisbi waliba Heli Doonaa laba maalmood oo olole ah
Ololaha Ayaa Bilaabmi Doona Maalinimada Axadda Todobaadka Soo socda isaga oo Daah furi doono Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka Ucid
Saddexda Xisbi ayaa helaya 3 maalmood oo Fagaarayaasha Khayriyooyinka magaalooyinka ay kala hadli doonaan Taageerayaashooda iyo Taageerayaasha Musharraxiintooda
Saddexda Xisbi ayaa 3 maalmood oo kale ka ololeyn doona Xafiisyada iyo xarumaha Xisbiyasa iyo musharraxiinta Ee Gobollasa Degmooyinka iyo xaafadaha
Ololaha Doorashada ayaa toos u soo xidhmi doona Jimcaha 28 Bisha may 6 da fiidnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here