Ciidamada Israa’iil Oo Isaga Baxay Masjidka Al-Aqsa, Kadib Rabshadii Dhacay

0
337

Ciidamada Israa’iil Oo Isaga Baxay Masjidka Al-Aqsa, Kadib Rabshadii Dhacay

Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus, kadib, maalmo ay rabshado socdeen, laguna dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah.

Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Kooxaha Hubeysan ee Falastiin ay waqti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Masjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jaraax ee Bariga magaalladda Quddus

Ciiddanka Israel waxaa ay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaanadda Marinka Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel ayaa waxaa ay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAMAAS.

Ilaa 15 Dagaalame ayaa la sheegay inay ku shahiideen Duqeyntaasi.
Warbahinta Reer Falastiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qaadeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliyeen Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here