Maxkamadda Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Rag Ka Tirsan Al-Shabaab

0
267

Maxkamadda Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Rag Ka Tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Gobolldda Cayn iyo Mudug ee Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Xubnahaan oo gaaraya ilaa 5 Rag ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Maxkamadeyntooda ka socotay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Gobolldda Cayn iyo Mudug ayaa ku heshay dembi ah 5 ruux inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen fulinta qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay Gaalkacyo 13-kii sano ee dambeeyay.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Maanta soo gaba-geeysay dhageysiga kiiska loo heysto eedeysanayaashan ayaa waxaa ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana sidaas Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaga Maxkamadda.

Ugu dambeyn Maxkamadda xorriyadooda u celisay lix qof oo kale, kuwaas oo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii horey looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here