Xiliga Ay Dhacayso Doorashada Dalka Suuriya Oo La Shaaciyay

0
299

Xiliga Ay Dhacayso Doorashada Dalka Suuriya Oo La Shaaciyay

Suuriya ayaa 26-ka bisha May qaban doonto doorasho madaxtinnimo, sida uu shaaciyay baarlamaanka waddankaas.

Madaxweynaha talada haya, Bashar Al-Asad ayaan la fileyn inuu la kulmo tartan adag, waxayna u badan tahay inuu si aqlabiyad ah ugu guulaysan doono doorashadaas.

Kadib dagaal socday toban sano, xukuumadda Suuriya ayaa gacanta ku haysa inta badan magaalooyinka dalkaas.

Ku dhawaad 400,000 oo qof ayaa ku dhintay colaadda Suuriya, waxaana ku barakacay kala bar shacabka waddankaas.

Waa doorashadii labaad ee Suuriya ka dhacda inta uu socday dagaalka sokeeye. Codbixintii dhacday 2014 oo mucaaradka, Maraykanka iyo Midowga Yurub ay ku tilmaameen mid sharci darro ah ayaa waxaa 92% ku guulaystay Bashar Al-Asad.

Colaadda Suuriya ayaa billaabatay kadib markii dad si nabdoon u dibedbaxayay ay awood u adeegsatay dowladda. Mucaaradka ayaa markii dambe qaatay hubka, waxaana dagaalka uu ku baahay dalka oo dhan.

Ciidamada dowladda ayaa hadda gacanta ku haya inta badan dalka, waxaana ay xabbad joojin aan cago badan ku taagneyn ay ka jirtaa gobolka Idlib oo ah meesha ugu dambeysa ee ay ka taliyaan mucaaradka.

Dhaqaalo xumi baahsan ayaa ka taagan Suuriya, waxaana aad sare ugu kacay sicirka raashinka, taasoo ay dowladda ku eedaysay cunaqabateynta ay saareen dalalka galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here