Maxaa Ka Jira In Somaliland Ay Lacag Ka Qaado Ehelada Dadka Dhinta COVID-19?

0
265

Maxaa Ka Jira In Somaliland Ay Lacag Ka Qaado Ehelada Dadka Dhinta COVID-19?

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa dhawaan lagu eedeeyay inay ay lacag badan ka qaado qoysaska dadka deegaanada Somaliland ugu geeriyooda Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad halkaas ku soo laba kacleeyay.

Madaxa Xafiiska fayo-dhowrka iyo xakamaynta COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabduwahaab Cabdi Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu beeniyay eeda loo jeediyay Wasaaradda iyo warar la faafiyay ee ahaa in Wasaaradda ay lacag ka qaado qoysaska dadka u dhinta Cudurka.

Cabduwahaab Cabdi ayaa sheegay in wax lacag ah aysan ka qaadin qoysaska dadka deegaanadooda ugu dhinta Cudurka COVID-19, ayna jirin wax cabasho ah oo dadka uga yimid Wasaaradda Caafimaadka, isagoona beeniyay eeda loo jeediyay.

Sidoo kale Madaxa Xafiiska Fayo-dhowrka iyo xakamaynta COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa tilmaamay in cidii lagu arko, iyada oo lacag ka qaadeysa qoysaska dadka u dhinta Cudurka laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Ugu dambeyn Madaxa Xafiiska Fayo-dhowrka ayaa sido kale sheegay in aysan jirin wax cabasho ah oo Wasaaradda Caafimaadka soo gaaray oo la xiriira Tallaalka Cudurka COVID-19 oo wejigii koowaad oo toddobaadkii hore bilaabmay lagu tallaalay 65,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here