Qarax Khasaaro Dhaliyey Oo Ciidamo Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

0
502

Qarax Khasaaro Dhaliyey Oo Ciidamo Lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo-dega, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Gobolka.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Kaarib oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladdav Federaalka, xili ay marayeen Biyo-dega Hiliwaa.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay, waxaana la xaqiijiyay inay dhinteen laba qof oo shacab ah, uuna dhaawacmay Darawalkii waday gaariga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn goobta ayaa tegay halkaas, isla markaana sida caadada u aheyd xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, wallow dhowr daqiiqo kadib ay fureen.

Laamaha amniga dowladdav Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas khasaaraha geystay ee ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana horey Caasimadda uga dhacay qaraxyo kala duwan oo khasaaro dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here