Diyaarado Caalami Ah Oo Hakiyay Duulimaadyadoodii Muqdisho Iyo Sababta

0
328

Diyaarado Caalami Ah Oo Hakiyay Duulimaadyadoodii Muqdisho Iyo Sababta

Diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa baajiyay duulimaadyadoodii Maanta oo sabti ah ku imaan lahaayeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta ay u joojiyeen Shirkaddaha diyaaradahaas duulimaadyada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta rabshadihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Caasimadda dalka.

Dadka rakaabka ah ee goorsii horeysay goostay tkidhada diyaaradaha caalamiga ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa lagu wargeliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho ay ku tigi lahaayeen.

Qaar kamid ah shaqaalaha Shirkaddaha duulimaadyada Caalamiga ah ayaa sheegay in sababta loo joojiyay duuliyada diyaaradahaas ay tahay rabshadaha dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Musharaxiinta Madaxweynaha, wallow aysan sheegin waqtiga dib loo bilaabayo duulimaadyada.

Shalay ayey aheyd markii qeyb kamid ah Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uu ku dhacay Madfac, kadib markii la rasaaseeyay banaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta kala ah C/raxmaan C/Shakuur, RW hore Kheyre iyo Musharaxiin kale oo banaanbax ka waday meel ku dhow Garoonka.

Si kastaba Dowladda ayaa is hor istaag ku sameeysay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo oo soo qabana qaabiyeen Musharaxiinta Madaxweynaha, kaasi oo la filayay inuu dhaco shalay Daljirka daahsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here