Sheekh Nuur Baaruud Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Muqdisho

0
302

Sheekh Nuur Baaruud Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Isbitaalka Martiini ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa Culimadda waaweyn ee Soomaalida.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Nuur Baaruud uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Martiini ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Soomaaliya kusoo laba kacleeyay.

Geerida Sheekha ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana Sheekh Nuur uu kamid ahaa Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Sheekh Nuur, iyagoona Alle uga baryay inuu janatul firdowga ka waraabiyo.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan lagu aasi doonaa qaruuro ku yaalla Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa aaska ka qeyb geli doonaa Mas’uuliyiin, Culimo badan, Ehel iyo dad kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here