Ciidamo Ku Sugan Xeebaha Somalia Oo La Sheegay Inay Hub Gacanta Ku Dhigeen

0
292

Ciidamo Ku Sugan Xeebaha Somalia Oo La Sheegay Inay Hub Gacanta Ku Dhigeen

Wararka laga helayo xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada dowladda Mareykanka ee ku sugan xeebaha dalka ay gacanta ku dhigeen shixnad hub ah.

Hubka ayaa waxaa la sheegay in lagu waday Doon, waxaana la tilmaamay in hubka uu isugu jiray RPG, BKM iyo AK- 47, iyadoo aan la shaacin lagu qabtay hubkaas oo ahaa mid badan.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee ku sugan xeebaha dalka ayaan ka hadli hubka ay qabteen, sidoo kalena lama weli halka laga keenay hubkaas oo la tilmaamay inuu ahaa mid sharci darro ah.

Dhinaca kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kalen weli ka hadli wararka sheegaya in Ciidanka Mareykanka ee jooga xeebaha dalka ay qabteen hub farabadan oo sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here