Dowlad Lagu Eedeyay Inay Isku Dayday Inay Xaddo Xogta Tallaalka COVID-19

0
267

Dowlad Lagu Eedeyay Inay Isku Dayday Inay Xaddo Xogta Tallaalka COVID-19

Sirdoonka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa Kuuriyada Waqooyi ku eedeeyay inay isku dayayeen inay xadaan xogta tiknolojiyadeed ee tallaalka Corona ee ay sameysay shirkadda dawooyinka sameysa ee Pfizer ee Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Yonhap ee dalkaas ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan sirdoonka Seoul ay gollaha sharci-dejinta ee dalkaas u sheegeen in isku dayga ay sameysay dowladda Kuuriyada Waqooyi, si ay ula soo baxdo xogta la xiriira tallaalka Corona ee ay sameysya shirkadaas oo haatan ay iibsanayaan dalal badan oo caalamka.

Sidoo kale dowladda Kuuriyada Waqooyi oo lagu eedeeyay tallaabadan ilaa iyo hadda ma aanay helin wax tallaalka feyraska corona balse waxaa la sheegay in toddobaadyada soo socda ay dowladda dalkaas rajeeneyso inay hesho tallaalka AstraZeneca oo gaaraya laba milyan.

Pyongyang ayaa xuduudeeda xirtay sanadkii lasoo dhaafay kadib markii kiisaskii ugu horreeyay lagu arkay dalka Shiinaha oo ay deris yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here