Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan Mudug Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
233

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan Mudug Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Dagaalkaan ayaa ka yimid ka gadaal markii rag ka tirsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Jiicdheere oo u dhow deegaanka Bacaadweyne, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa.

Dad ayaa ku warramay in markii horey Al-shabaab u suura-galay inay qabsadaan deegaanka Jiicdheere ee Mudug, hayeeshee dadka oo gurmad ka helay Ciidanka qeybta 21-aad ay dagaal kula wareegeen halkaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii xalay dhacay oo soo kala gaaray dadka deegaanka iyo Al-shabaab, waxaana la sheegay inay dagaalka ay ku dhinteen 8 ruux oo saddex kamid ah yihiin dadka deegaanka ee dagaalka galay.

Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda qeybta 21-aad ayaa weli ka hadli weerarkii Al-shaabab ku qaadeen deegaanka Jiicdheere oo u dhow deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa horey weeraro kala duwan uga qaaday deegaano uu kamid yahay Bacaadweyne, waxaana halkaas dagaalo khasaaro geystay ku dhexmareen dadka deegaanka, Ciidanka dowladda iyo shabaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here