Dowlada Soomaaliya oo diiday in dib loo dhigo dacwada Badda ee Kenya

0
384

Dowlada Soomaaliya oo diiday in dib loo dhigo dacwada Badda ee Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay codsi Dowladda Kenya ay u gudbisay  Maxkamadda dambiyada Caalimaga ah ee ICJ, kaasi oo ahaa in dib loo dhigo dacwadda Kiiska  badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa si kulul ugua hadlay arrintaasi, waxaana uu sheegay in Kenya ay doonayso in Kiiska badda markii 4aad ay dib u dhigto, iyadoo Codsi u dirsatay ICJ.

Wasiir Dubbe waxaa uu tilmaamay in Kenya ay tiro dhowr jeer ah ay dib u dhigtay Kiiska badda, waxaana mar waliba ay la imaanayeen cudur daar, maxkamadduna dhamaman waa ay u aqbashay dhamaman cosiyadii hore ee ay gudbisatay Kenya.

Kenya ayuu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku timaabntay dal dowlad la’aan ah oo iminka ay fowdo ka aloosan tahay, waxaana wasiirku uu sheegay in arrintaasi ay tahay gaf cad iyo meel ka dhac ay doonayso in Kenya ay ku samayso Soomaaliya, waxaana dacwaddeeda ay ku lifaaqday in Soomaaliya ay dhul ka haysato, arrintaas oo uu sheegay in ay tahay mar-marsiyo cad.

Waxaa sidoo kale uu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Soomaalida oo uu sheegay in ay indhaha ka daawanayaan faragalinta iyo xad gudubka qaawan ee ay dalka ku hayso Dowladda Kenya, waxaana uu ku boorriyay in hal meel looga soo wadajeesto arrinta badda.

Dhanka kale waxaa uu sheegay Wasiirka Xukuumadda federaalka Soomaaliya in ay saaka  Warqad u qoreen ICJ, isagoo intaa ku daary in ay ka xun yihiin tallabada Maxkamaddu ay hadba dib ugu dhigayso Dacwadda, iyadoo hal dhinac oo kaliya cudur daar siinaysa.

Ugu dambeytii waxaa uu sheegay Wasiirku in Soomaaliya tan iyo markii ay soo billabatay arrintaani aysan halmar wax cudur daar ah gudbin ICJ.

Hadalka Wasiirka warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadooo Dowladda Kenya ay dalbatay markii 4aad in dib loo dhigo arrinta kiiska badda ee kala dhexeeya Dowladda Soomaaliya, waxaana dalab arrintaasi ku aaddan ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here