Dowlada Itoobiya oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay dishey dagaalkii Tigray

0
403

Dowlada Itoobiya oo lagu eedeeyay in dad rayid ah ay dishey dagaalkii Tigray

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada federaalka ee Itoobiya ay sida muuqata duqeyn aan kala sooc lahayn u geysteen magaalooyin ka tirsan gobolka Tigray.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in madaafiicdii ay ciidamada Itoobiya adeegsadeen horraantii dagaalka ay ku dhaceen guryo, cisbitaallo, iskuullo iyo suuqyada magaalooyinka Maqale, Humera iyo Shire, ayna ku dhinteen ugu yaraan 83 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

“Weerarrada noocan ah waxa ay burburiyeen noolasha shacabka Tigray, waxaana ku barakacay kumanaan qof, taasoo muujinaysa muhiimadda ay leedahay in la soo afjar weerarrada sharci darrada ah, oo lagula xisaabtamo dadkii mas’uulka ka ahaa,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah agaasimaha Human Rights Watch u qaabilsan Geeska Afrika.

Tobanaan kun oo qof ayaa la sheegay inay ka barakaceen gobolka Tigray tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya milateriga Itoobiya iyo xooggaga TPLF horraantii November 2020.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday magaalada Maqale 28-kii November ay ku dhinteen 27 qof oo rayid ah ayna kamid yihiin carruur, halka dhaawacana uu ka badnaa 100 qof.

Human Rights Watch ayaa ku baaqday in Qaramada Midoobay ay gobolkaas u dirto guddi xaqiiqa raadin ah si ay baaritaan ugu sameeyaan tacaddiyada laga soo sheegayo deegaannada Tigray.

Dagaalka gobolka Tigray ayaa bilowday horraantii November 2020 kadib markii xukuumadda Abiy ay ku eedaysay xooggaga TPLF inay duulaan qaawan ku qaadeen taliska waqooyi ee milateriga dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here