Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Gobolka Gedo

0
304

Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Gobolka Gedo

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dagaal xooggan oo ka dhacay Gobolka Gedo, kaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaystay.

Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay dagaalkaasi u dhexeeyay Ciidanka Dowaldda Soomaaliya iyo jabhad la sheegay in Kenya ay soo hubeysay, waxaana dagaalka oo socday xalay ilaa Saaka khasaaro lagu gaarsiiayy Ciidankii weerarka soo qaaday.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika  waxaa ay kaga hadashay dagaalka, waxaana Qoraalka oo aan si toos ah loogu Jawaabin Soomaaliya lagu sheegay in Kenya ay ka walaacsan tahay Dagaalkaasi kasoo cusboonaaday Gobolka Gedo gaar ahaaan xuduudda magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkaasi, waxaana ay sheegtay in Kenya ay gadaal ka riixayso Ciidanka ay la dagaalamaeen oo ay ku sheegeen Jabhad Hubeysan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay dagaalkii xalay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Wasiir Janan ku dhexmaray degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ee kasoo talaabay xuduudka labada dal ay bartilaameedkoodu ahaa inay qabsadaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, hayeeshee Ciidanka Xoogga dalka ay ka hortegeen, ayna iska difaaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here