Dhaawacyada Dagaalkii Ka Dhacay Balad-Xaawo Oo La Keenay Muqdisho

0
284

Dhaawacyada Dagaalkii Ka Dhacay Balad-Xaawo Oo La Keenay Muqdisho

Waxaa habeenkii xalay Magaalada Muqdisho laga soo dejiyay dhaawacyada dagaalkii habeen horey degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidan uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Jubbaland.

Diyaarad gaar ah ayaa Balad-xaawo looga soo qaaday ku dhawaad 20 qof oo isugu jira Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dad shacab ah oo ku dhaawacamay dagaalkii dhacay, kuwaasi oo laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Dhaawacyada ayaa waxaa Garoonka looga soo qaaday gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Amplace, isla markaana waxaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidan uu hoggaaminayay Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Inta la xaqiijiyay in ka badan 15 qof oo isugu jira dad shacab ah iyo Askar ayaa ku geeriyooday dagaalka, dad kale oo badan ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaan xusid mudan in 5 Caruur ah iyo aabahood ay ku dhinteen Madfac ku dhacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka weerarka kusoo qaaday Balad-xaawo ay ahaayeen Jabhad ay soo hubeysay dowladda Kenya, hayeeshee ay iska difaaceen Ciidanka dowladda, isla markaana la gaarsiiyay jab xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here