Shirkadaha Facebook Iyo Twitter Oo Ku Hanjabay In Ay Hawada Saari Doonaan Akoonka Trump

0
319

Shirkadaha Facebook Iyo Twitter Oo Ku Hanjabay In Ay Hawada Saari Doonaan Akoonka Trump

Donald Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka Twitter-ka iyo Facebook kaddib markii uu qoraal u soo qoray taageerayaashiisa weeraray dhismaha US Capitol.

Farriin uu baraha bulshada soo dhigay ayuu dibadbaxayaasha wuxuu ku yiri “Waan idiin jeclahay” kahor inta uusan ugu baaqin inay guryahooda aadaan. Wuxuu sidoo kale ku celceliyay sheegashooyin been ah oo ku saabsan in lagu shubtay doorashada.

Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda.

Shikradda ayaa sheegtay in akoonka madaxweynaha uu sii xirnaan doono haddii aanan laga tirin qoraalladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here