Afar Qof Oo Ku Dhintay Weerarkii Xarunta Kongareeska Mareykanka Ee Ay Qaadeen Taageerayaasha Trump

0
280

Afar Qof Oo Ku Dhintay Weerarkii Xarunta Kongareeska Mareykanka Ee Ay Qaadeen Taageerayaasha Trump

Haweeney ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay weerarkii lagu qaaday dhismaha Capitol ee magaalada Washington, kaddibna dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay. Sidoo kale saddex qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo kala ahaa haweeney iyo labo nin.

Ugu yaraan 14 ka tirsan booliiska ayaa sidoo kale la sheegay inay dhaawacmeen. Labo ka mid ah ayaa isbitaalka loola cararay, midkood ayaa dhaawac culus qabay kaddib markii ay dibadbaxayaasha dhulka ku jiideen.

Taageerayaasha rabshadaha wata ee madaxweyne Donald Trump ayaa jabiyay xarunta loo yaqaan ‘Capitol’ ee magaalada Washington, iyadoo xildhibaanada ay kulmeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku guuleystay doorashada.

Muuqaallada qaar ayaa muujinayay banaanbaxayaasha oo isugu soo xoomay dhismaha iyadoo xubnaha Congress-ka ay la cararayaan booliska
Mr Biden wuxuu sheegay in ficilku uu ahaa “inuu hada dhamaado”, Mr Trump wuxuu sii daayay fariin muuqaal ah oo uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay guryahooda aadaan

Kalfadhigii wadajirka ahaa ee Congress-ka ee lagu cadeenayay guushii Mr Biden ayaa la hakiyay laguna qasbay in lagu kala tago.

Waxaa jira warbixino sheegaya in qoryo lala soo baxay gudaha dhismaha waxaana ugu yaraan la toogtya hal qof hal qof .

Iska hor imaad hub la isu adeegsaday ayaa ka dhacay albaabada Aqalka Golaha Wakiilada. Waxaa sido kale la adeedsaday sunta indhaha ka ilmeeysiisa
Kongareeska Mareykanka ayaa dib u bilaabay xaqiijinta natiijada doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii la soo dhaafay ka dhacday dalkaas, kaddib markii koox ka tirsan taageerayaasha Madaxweyne Trump ay ku xoomeen dhismaha Capitol Hill iyagoo isku dayaya in la laalo natiijada.

Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, iyo hoggaamiyeyaasha aqalka sare iyo aqalka wakiillada ayaa cambaareeyay isku dhacii halkaasi ka dhacay iyagoo sheegay inay sii wadi doonaan kulanka kongareeska. Tiro xulafada Trump ka mid ah oo Aqalka Sare ka tirsan ayaa iyagu diidmo ka muujiyay xaqiijinta natiijadii doorashada.
Dhanaka kale madaxweynaha waqtiiga sii dhammaanaya ee Trump ayaa muqaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isaga baxaan dhismaha Capitol balse weli wuxu ku anadcoonayaa in Dimuqraadiyiinta ay xadeen codadka doorashdii uu ku guuleystay Biden.

Afhayeenka madaxweyne Trump Kayleigh McEnany, ayaa boggeeda Twittrer-ka ku sheegtay in Ciidamo Ilaalada Qaranka lagu daad-gureeyay halkaasi.
Ciidamo ayaa sidoo kale laga abaabulay gobollada dariska ah.

Waxaa la arkayay dibadbaxaaysha oo dhexmaraya gudaha dhismaha iyagoo ku qeylinaya erayo ah ” Waxaan dooneynaa Trump” Waxaa sidoo kale la sawiray mid ka mid ah dibadbaxayasha oo ku fadhiya kursiga madaxweynaha ee Aqalka senet-ka.
Duqa magaalada Washington ayaa ku dhawaqay bandow lagu soo rogay guud ahaan guud ahaan magaaladaasi.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegay in dibadbaxyo ay ka ka socdaan gobollada Kansas iyo Georgia, gaar ahaana dhismayaasha golha sharci dajinta ee gobolladaasi
Sidee looga falceliyay?
Dhowr madaxweynayaashii hore ee Mareykanka ah ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii shalay ka dhacay dalkaas. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa arrintaasi si xooggan ugu eedeeyay Donald Trump, isagoo sheegay in inkastoo ay ceeb u soo jiideen Mareykanka, haddana aysan ahayn kuwo kedis ahaa. Sidoo kale xubno ka tirsan Jamhuuriga ayaa cambaareeyay arrintaas.

Mike Gallagher oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa sheegay in wixii shalay dhacay ay ahaayeen wax laga habboonaa. Sanatarka Ben Sasse ayaa isaguna sheegay in beentu ay cuqubo leedahay isla markaana qalalaasuhu uu ahaa mid aan laga baaqsan karin. Dhanka kalena, haweeneydii afhayeenka u ahayd Melania Trump, Stephanie Grisham, ayaa iyaduna is casishay.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa la yaab iyo walaac ka muujiyay wixii shalay ka dhacay Mareykanka. Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la tixgeliyo hannaanka dimuqraadiyadeed. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa weerarkii lagu qaaday Capitol Hill ku tilmaamay inay ahayd wax aan Mareykanka lagu aqoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here