Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsaday in laga taageero dhaqaalaha doorashada

0
339

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo codsaday in laga taageero dhaqaalaha doorashada

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa u weydiistey shacabka Soomaaliyeed in laga taageero dhaqaalaha ugu baxaya ololaha doorashada dalka.

Codsigaan oo uu soo dhigey bartisa Facebook C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ah mid ku cusub ololaha doorashooyinka Soomaaliya isagoo ku sheegay in aan loo baahneyn in taageero laga raadsado dalalka shisheeye.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay xisbiga uu hoggaamiyo inuu yahay mid ka yimid, una yimid shacabka Soomaaliyeed, uuna weydiisanayo taageero dhaqaale oo ay ku galaan ololaha doorashada dalka ka dhacaysa sanadkan.

“Waxaan ayaan daro ah in la caadeystay ku faanida taageero ajnabi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye, taasoo keentay in cid kasta oo doorashada ku soo baxda uu maxbuus u noqdo cidii taageertay go’aankeeda, anagoo ka duulayna inaan a xorowno taageerada iyo gacan hoorsiga ajnabiga ah iyo go’aankeena nalala yeesho ayaan ka waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed iney dhaqaale nagu taageeraan, qof walba uu karaankiis nagu taageero, si looga madaxbanaanaado talinta shisheeye” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sameeyay xisaabaad lacagaha lagu soo shubo isagoo u mahadceliyay taageerayaasha xisbiga Wadajir oo hore taageerayay.

Ugu dambeyn ayaa ugu baaqay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay taageero garab istaag weydiistaan shacabkooda, isla markaana aysan taageero weydiisan dalal shisheeye oo goor dambe Maxbuus loo noqanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here