Madaxweyne U Yeeray Ciidamo Ka Jooga Soomaaliya Iyo Sababta Keentay

0
436

Madaxweyne U Yeeray Ciidamo Ka Jooga Soomaaliya Iyo Sababta Keentay

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa u yeeray qaar kamid ah Ciidamada dalka Uganda ka jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Museveni oo khudbad jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in sababta Ciidanka ka jooga dalka Soomaaliya uu ugu yeeray ay tahay, inay ka qeyb qaatan sugida  amniga dalkiisa, xili ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.

Waxaa oo uu sheegay Madaxweynaha in Mucaaradka dalkiisa ay ku hanjabeen inay gubi doonaan kaalimaha shidaalka ee ku yaalla Magaalada Kampala, wuxuuna tilmaamay in aysan aqbali doono, Ciidamada ka imaanaya Soomaaliya ay amniga sugi doonaan.

“Mucaaradka waxay ku hanjabeen inay gubayaan kaalimaha shidaalka ee Kampala. Waxaan rabaa inaan idiin xaqiijiyo inaysan jirin cid gubaysa Kampala, ”ayuu yiri Museveni oo intaas kusii daray in doorashada Uganda ay nabad ku dhici doonto.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyanah ayuu sheegay in Caasimadda Kampala la geeyay ciidamo heer sare ah, si u xaqiijiyan amniga kahor Doorashada Madaxweynaha iyo tan Bbaarlamaanka oo dhici doonta 14-ka bishaan Janaayo.

Iska horimaado u dhexeeyay taageerayaasha Mucaaradka iyo Booliska ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacay Uganda, kadib markii Magaalada Luuka lagu xiray Musharax Madaxweyne Robert Kyagulanyi, sidoo kalena ah muusikiiste.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here