Faah Faahin:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0
536

Faah Faahin:-Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax Is-miidaamin ah oo barqannimadii Maanta ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa inta badan laga maqlay xaafadaha ku teedsan duleedka Magaalada.

Qaraxaas ayaa waxaa fuliyay ruux isku soo xiray Jaakada qaraxyada, isla markaana waxaa uu la beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad oo ilaalo ka haayay Engino dhisayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qofka inta uusan is qarxin kahor ay rasaas badan ku fureen Ciidanka Haramcad oo goobta ku sugnaa, isla markaana markii uu ninkaas ku soo dhawaaqay uu ku qarxay Ciidamo saarnaa gaari Cabdi Bile ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo dad shacab ah oo goobta Agdhawaa, waxaana warar hordhac ah ay sheegayaan inay halkaas ku geeriyoodeen 5 qof.

Dadka dhaawacyada soo gaareen oo ay ku jiraan shacab iyo Askar ayaa waxaa la tilmaamay in la geeyay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda ayaa gebi ahaan isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana waxaa halkaas loo diidayaa inay ka agdhawadan dadka shacab ah, waxaana kahad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here