Burcad Ku Hanjabtay Shaacinta Sawirrada Dad Caan Ah Oo Qalliinka Qurxinta Isku Sameeyay

0
298

Burcad Ku Hanjabtay Shaacinta Sawirrada Dad Caan Ah Oo Qalliinka Qurxinta Isku Sameeyay

Burcadda internet-ka ayaa xaday xogta bukaanno badan oo qalliin qurxin ah lagu sameeyay iyagoo ku hanjabay inay soo bandhigi doonaan sawirrada bukaannada ee’ hore iyo hadda, iyo xog kale.

Shirkadda Hospital Group, oo ay ku xiran yihiin dad badan oo caan ah, ayaa xaqiijiyay weerarka madax furashada ah.

Wuxuu isbitaalku sheegay inay arrintan ku wargeliyeen waaxaha ay quseyso.

Bartooda Darknet ayaa burcaddani oo loo yaqaanno REvil waxay sheegeen in “sawirrada bukaannada kuwooda xasaasiga ah” aysan “gebi ahaanba ahayn wax lagu farxo”.

Waxay kooxdu sheegtay inay hayaan in ka badan 900 oo sawirrada bukaanno qalliin qurxin isku sameeyay ah.

Hospital Group, oo sidoo kale loo yaqaanno Transform Hospital Group, waxay sheegtaan inay yihiin isbitaalka ugu horreeya UK ee hoggaanka u haya dhimista miisaanka iyo qalliinka qurxinta.

Waxay leeyihiin ilaa 11 xarumood oo ku takhasusay qalliinka dhimista miisaanka, weyneynta horaaddada, qalliinka sanka iyo kuwo kale.

Shirkadda ayaa waxay isku xayeysiin jirtay dad caan ah oo talo fiican ka bixinaya xarumaha shirkadda, inkastoo aysan sanado badan sidaas sameyn.

Gabadhii hore ee tantanka u gashay barnaamijka Big Brother, Aisleyne Horgan-Wallace ayaa wargeyska Zoo uga warrantay qalliinka weyneynta ah ee ay horaaddadeeda ugu soo sameysay i isbitaalka Hospital Group sanadkii 2009.

Fanaanadda Kerry Katona, aktaradda Shameless, Tina Malone xididigadda Joey Essex oo sidoo kale isbitaalkaasi qalliimo isaga soo sameeyay ayaa talo ka bixiyay.

In xogta la soo daabaco’

Shirkadda Hospital Group ayaa war ay soo saartay ku tiri: “Waxaan xaqiijineynaa in hannaankeenna internet-ka la jabsaday. Xogta kaararka lacagta bukaannadeenna lama xadin balse hadda, waxaan ognahay in qaar ka mid ah xogta shakhsiyadeed ee bukaannadeenna la helay.”

Shirkaddu waxay sheegtay inay farriimo email ah u dirtay dhammaan macaamiisheeda kuna war gelisay weerar burcadda isla markaana ay la xiriiri doonto bukaannada laga yaabo in laga xaday xog shakhsiyadeed oo dheeri ah.

Waxaa lla ogyahay in sawirro badan oo hore iyo hadda ah aysan ku jirin wejiyada bukaannada.

Mid ka mid ah macaamiisha shirkadda ayaa BBC-da u sheegay inuu ka walaacsan yahay in sawirradii iyo xogtiisa ay ku jiraan gacanta buracadda.

Simon Hails ayaa qalliinka yareynta xabadka ka soo sameystay Hospital Group.

Wuxuu sheegay in shirkaddu aysan ku wargelin madax furashada.

“Farriin ayaan ka helay Hospital Group ay iguw argelinayaan xogta la xaday balse wax faahfaahin ah lagama bixin nooca xogta,” ayuu u sheegay BBC-da.

“Waxaan runtii ka walaacsanahay ‘sawirrada hore’ oo lagu shaaciyo internet-ka. Waxaan isku dayay in qalliinkeyga aan ka dhigo sir oo aysan xitaa ogaan qaar ka mid ah saaxiibbadeyda iyo kuwaan isla shaqeyno, marka xogta la xaday ayaa walaac igu heysa.”

Madax furashada waa mid ka mid ah noocyada ugu xun ee ay adeegsadaan burcadda internet-ka. Burcadda ayaa jabsaneysa kumbiyuutarka shirkad iyagoo xogta u dhacaya kaddibna dalbanaya in la siiyo madax furasho.

Hay`adaha xoojinta sharciga ayaa uga diga dadka xogta laga xado inay bixiyaan madax furasho, sababtoo ah waxay sii dhiirrigelineysaa burcadda.

Shirkadda ammaanka internet-ka Emsisoft ayaa ku qiyaaseysa in burcaddu ay howlahan oo kale ku heleen adduun dhan $25bn (£18bn) sanadkan 2020.

REvil, oo sidoo kale loo yaqaanno Sodinokibi, waa mid ka mid ah buracadda ugu weyne e madax furashada dalbada.

Bishii September, The Hospital Group ayaa sheegay in codsiyada qalliinka ee loo soo gudbiyo ay kordhen 25% tan iyo sanadkii 2019.

Madaxa shirkadda Tony Veverka ayaa barnaamijka ITV News ee Tonight u sheegay in walaaca caafimaad ee laga qabo Covid-19 ay kordhiyeen dalabaadka qalliinka ee shirkadda, iyadoo ay dadku raadiyaan siyaabo ay isaga dhimi karaan miisaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here