Abiy Axmed oo digniin adag oo ku saabsan daagalka gobolka Tigray u diray beesha caalamka

0
334

Abiy Axmed oo digniin adag oo ku saabsan daagalka gobolka Tigray u diray beesha caalamka

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa si kulul uga hadlay baaqyo kala duwan oo dhawaan kasoo baxaya beesha caalamka, kuwaasi oo la xiriira dagaalka ay dowladiisu kula jirto maamulka maylka adag ee Tigrey-ga.

Abiy ayaa bayaan uu soo saaray uga digay inaysan beesha caalamka isku dayin tallaabooyin aanan la mahdin oo falal sharci darro ah oo ku aadan faragelinta xaalada ka taagan gudaha Itoobiya.

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn faragelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, xili ay isasoo tarayaan cadaadisyo caalami ah oo ku saabsan xabad joojin la dhex dhigo labada dhinac, isla markaana la gaarsiiyo gobolka Tigreyga gar-gaar bini-aadanimo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka codsaday beesha caalamka inay u diyaargaroobaan in ‘xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigreyga’.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay waajib tahay in beesha caalamku ay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah, iyada oo uu maamulka Tigreygu ku baaqay wada-hadal ay iska dhago tireyso dowladda federaalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu xusay inuu soo dhaweynayo walaaca ay muujiyeen beesha caalamka, ee ka wal-walaya xaalada Itoobiya, kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan gaarsiineyn heerka ay maleysanayaan.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay beesha caalamku cadaadis xoogan ku saareyso dowladda federaalka Itoobiya in miiska wada-hadalka ay ku xaliso xiisada dagaalka isku rogtay ee kala dhaxeysa maamulka TPLF, midaasi oo uu ka biyo diiday Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here