Askarta ka soo jeeda Tigreega ee ku sugan Soomaaliya oo hub ka dhigis lagu sameeyay

0
362

Askarta ka soo jeeda Tigreega ee ku sugan Soomaaliya oo hub ka dhigis lagu sameeyay

Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed iyo kuwa amni oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegaya in Ciidamada toobiya ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan askarta ka soo jeeda Qowmiyadda Tigeera lagu sameeyay Hub ka dhigis.

Amar ka yimid Madaxda dalka Itoobiya ayaa la sheegay in hubka looga dhigay, lana xiray illaa 200 askari oo ka soo jeeda Tigreega, kaddib markii looga shakiyay inay saameyn ku yeelato dagaalka ka socda Gobolka Tigreega.

Taliye kuxigeen ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka soo jeeda Tigreega ayaa ka mid ah saraakiisha hubka laga dhigay, ee si gaar ah dhaq dhaqaaqooda loo xanibay.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa isugu jira kuwa hoostaga howlgalka AMISOM iyo kuwa aan ka mid aheyn oo Ciidamadaas caawiya.

Si kastaba ha ahaatee xiisada dagaal ee ka jirta waqooyiga dalka Itoobiya, gaar ahaan Gobolka Tigreega ayaa sii xoogeysatay, waxaana dowladda Itoobiya qorsheyneysa inay kala baxdo Soomaaliya Ciidamada aan ka midka aheyn howlgalka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here